Diyaaradaha dagaalka USA ee jiilka 6-aad

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Jimcihii shirkadda Boeing siiyay qandaraas ay ku soo saarayso diyaaradda dagaalka ee ugu horumarsan ee loo sameeyo Ciidanka Cirka Maraykanka, taasoo sababtay in saamiyada shirkaddu kor u kacaan.

Trump ayaa ku dhawaaqay magaca diyaaradda cusub (F-47), wuxuuna wariyeyaasha kula hadlay xafiiska Oval-ka isaga oo leh: “Waxaan dalbanay tiro badan. Ma shaacin karno qiimaha.”

Trump, waxa uu qorsheynayaa dagaalka ballaaran oo ganacsi iyo Milateri in uu la galo Shiinaha iyo Ruushka, waxaana la arkayaa sida degdegga ah ee uu u qaadayo tallaabooyin xiiso leh, halka dadka qaar ay ku tilmaameen qatar ka soo socota Mareykanka oo keeni doonta dagaalka seddexaad ee adduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *