Dowladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah xiriirka ugu jartay dalka Belguim-ka, iyadoo muddo 48 saacadood loo qabtay dhammaan diblomaasiyiinta Belguim-ka inay uga baxaan dalka Rwanda.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda Rwanda, ayaa lagu shaaciyey go’aankaan, iyadoo Belguim-ka lagu eedeeyey in uu farogein ku sameeyey arrimaha gudaha dalkaas tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo (DRC).
