Aqalka Cad ayaa sheegay in siyaasadda ganacsiga ee Madaxweyne Donald Trump ay gaari doonto marxalad xasaasi ah 2-da Abriil, markaas oo maamulka uu shaacin doono qorshe cusub oo ku saabsan cashuuraha is-dhaafsiga ah (reciprocal tariffs).
Maxay muhiim u tahay?
Nidaamkan cusub ee cashuuraha ayaa bartilmaameedsan doona la-hawlgalayaasha ganacsiga ee Mareykanka kuwaas oo ay saraakiishu rumeysan yihiin iney si aan cadaalad ahayn ula dhaqmaan dhoofiyeyaasha gudaha.
Tallaabadani waxay noqon doontaa midda ugu adag ee Trump abid ka qaado dhanka cashuuraha, taasoo laga yaabo in ay sare u qaaddo qiimaha badeecadaha macaamiisha, dhaawacdo xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah, isla markaana ay keento dagaallo ganacsi oo caalami ah.
Xaaladda guud:
Wali lama oga halka uu damacsan yahay Mareykanka in uu ka laabto cashuurahan mustaqbalka, taasoo keentay shaki weyn oo ganacsi, saameynna ku yeelatay suuqyada maaliyadeed iyo ganacsiga.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegaya in cashuurahan ay dib u soo nooleyn karaan warshadaha gudaha Mareykanka isla markaana kordhin karaan dakhliga dowladda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa suurtagal ah in dib u soo kabashada warshadaha gudaha ay keento hoos u dhac ku yimaada badeecadaha la soo dhoofiyo, taasoo macnaheedu noqonayo in dakhliga cashuuraha uu yaraanayo.
Dhinaca kale, mas’uuliyiintu waxay sheegayaan in cashuuraha la shaacinayo 2-da Abriil ay horseedi karaan wadahadallo uu Mareykanka la galo dalalka ay khuseyso si looga fogaado canshuurahan culus.
Maxay saraakiishu sheegeen?
Trump wuxuu cashuurahan cusub ku tilmaamay “arrinta weyn”, si uu uga duwanaado canshuurihii hore ee uu ad-hoc ahaan u saaray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kuwii lagu soo rogay badeecadaha Shiinaha, biraha iyo aluminium-ka caalamiga ah.
Wuxuu 2-da Abriil siiyay naaneys cusub: “Maalinta Xorriyadda” (Liberation Day).
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “SANADO BADAN ayaa nalagu dhacay oo nalagu xadgudbay, ha ahaadaan saaxiib ama cadaw. Hadda waa xilligii Mareykanka uu dib u heli lahaa LACAGTIISA iyo QADARKIISA.”
Isla maalintaas, badeecadaha laga keeno Canada iyo Mexico ayaa la saari doonaa cashuur dhan 25%, kadib marki ay mudda bil ah hakad ku jireen.
Maxaa la filan karaa?
Waxaa suurtagal ah in cashuuraha la shaacinayo ay isla maalintaas dhaqangal noqdaan, taasoo siinaysa shirkadaha wax soo dejiyo waqti aad u kooban si ay ula jaanqaadaan xeerarkan cusub.
Trump ayaa ka digay in marka ay canshuuraha cusub dhaqangalaan, ay jiri doonto “xilli isbeddel” oo dhaqaalaha uu la qabsanayo xaaladda cusub.
Warbixinta ugu dambeysay ee Federal Reserve waxay tilmaantay in siyaasaddan cusub ay keeni karto sicir-barar sare iyo kobac dhaqaale oo gaabis ah sanadka 2025, taasoo u badan inay la xiriirto isbeddelada la filayo ee ganacsiga caalamiga ah.
