Madaxweyne Trump oo Marco Rubio xilkiisa xil ugu daray.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa loo magacaabay lataliyaha cusub ee amniga qaranka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku shaaciyay baraha bulshada ee Truth Social fiidnimadii Khamiista (waqtiga Finland) in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio si ku-meel-gaar ah loo magacaabay lataliyaha cusub ee amniga qaranka.

Trump ayaa sheegay in Rubio uu labada xil isla heyn doono, isagoo sii ahaanaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, islamarkaana fulinaya waajibaadka lataliyaha amniga qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *