Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad uu u jeediyey Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga falceliyey tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku billaabay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaan u sheegayaa in aad ku kacday khalad weyn oo sharci darro ah, ka dhan ahna midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, mana kaa aqbali doono.
Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa sheegay in Israa’iil damaceeda ugu weyn uu yahay sidii ay saldhigyo milateri uga sameysan lahayd gobollada waqooyi ee Soomaaliya, si ay uga duusho dalal kale, taasina ay tahay qad cas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa yiri “madaxweyne Cirro reer Somaliland haku hodin waddo dab ah oo taariikh madow laga dhexli doono, dadka reer Somaliand-na waxaan ugu baaqay in ay iska diidaan damaca shisheeyaha”.
Madaxweynaha ayaa ku soo gabogabeeyey in dowladda Soomaaliya ay sii laba jibbaari doonto dadaalladeeda diblumaasiyadeed iyo midka sharci ee caalamiga ah si ay uga hortagto aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo si weyn ugu mahadceliyey dhammaan dowladaha iyo hey’adaha caalamka ee sida qayaxan u diiday gardarrada Israa’iil una garab istaagay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
