Soo raridda colaadda bariga dhexe ee geeska Africa ma hirgeli doonaa?

Tan iyo markii Israa’iil ay 26-kii December 2025 ku dhawaaqday aqoonsiga gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

waxaa si degdeg ah u billowday diidmo ballaaran oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kuna xadgudbeysa xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya,

waxay si rasmi ah u sheegtay in aqoonsiga Israa’iil uu jebinayo Axdiga Qaramada Midoobay Qodobka 2(4), kaas oo mamnuucaya faragelin lagu sameeyo xuduudaha iyo midnimada dal madax-bannaan, isla markaana uu khilaafsan yahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida maanta uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka hor sheegay Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hadal u jeediyey, tilmaamayna in dowladdiisa dadaal walba ku bixin doonto sidii loo joojin lahaa duulaanka qaawan ee Israa’iil.

Diidmada Soomaaliya kuma ekaan bayaan qaran oo kaliya,

balse waxa ay heshay taageero caalami ah oo ballaaran, iyadoo hay’adaha iyo ururrada waaweyn sida IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Turkiga, Sacuudiga, Masar, Aljeeriya iyo inta badan waddamada Carabta, ay si cad u muujiyeen in ay diidan yihiin tallaabada Israa’iil, isla markaana ay garab taagan yihiin midnimada Soomaaliya.

Midowga Afrika,

ayaa ku celiyey mowqifkiisa ku dhisan mabda’a xuduudaha dhaxalka ah ee Afrika (Uti Possidetis Juris), kaas oo mamnuucaya in xuduud dal Afrikaan ah si hal dhinac ah loo beddelo, arrintaas oo si cad uga dhigaysa aqoonsiga Israa’iil mid sharci-darro ah marka loo eego shuruucda Afrika.

IGAD iyo Midowga Yurub,

waxay bayaanadooda ku adkeeyeen in xasilloonida Geeska Afrika aysan ku iman karin tallaabooyin hal dhinac ah oo dhaawacaya midnimada dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, iyagoo Israa’iil ugu baaqay in ay dib uga laabato go’aankeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya,

ayaa iyaduna tallaabo diblumaasiyadeed oo culus qaadday, kadib markii ay codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, si loo horgeeyo arrinta aqoonsiga Israa’iil, looguna diiwaangeliyo in uu yahay fal sharci-darro ah oo ka dhan ah nidaamka caalamiga ah.

Kulanka Golaha Ammaanka Q.M,

waxaa laga filan karaa in lagu soo saaro bayaan rasmi ah kaas oo mar kale adkeyn doona midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana sii xoojin doona go’doominta diblumaasiyadeed ee Israa’iil, inkasta oo ay adag tahay in la gaaro qaraar adag sababo la xiriira awoodda veto.

Marka la eego taariikhda Israa’iil,

waa dowlad si joogto ah loogu eedeeyo ku tumashada qawaaniinta caalamiga ah, sida ku cad qaraarro badan oo Q.M ah oo ku saabsan Falastiin, Qudus iyo Gaza, taas oo muujinaysa in tallaabada ay ka qaaday Soomaaliya ay qeyb ka tahay hab-dhaqankeeda ku saleysan dano istiraatiiji ah halkii ay ka ixtiraami lahayd xeerarka caalamiga ah.

Dalalka Islaamka iyo Carabta,

gaar ahaan Sacuudiga, ayaa arrintan u arka mid si toos ah u taabanaysa amnigiisa, maadaama Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo isku xirta Badda Cas, Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo laf-dhabar u ah amniga iyo ganacsiga Carabta.

Somaliland oo ah qayb ka mid ah Soomaaliya,

ayaa iyaduna gashay khatar amni oo culus, maadaama ay juqraafi ahaan aad ugu dhowdahay Yemen, halkaas oo ay joogaan Xuutiyiinta dagaal toos ahna kala dhexeeyo Israa’iil, taas oo keeni karta in gobollada waqooyi loo adeegsado dagaallo wakiilnimo (proxy wars).

Waxaa sidoo kale soo baxaya tuhunno ku saabsan in Israa’iil,

ay dano gaar ah ka leedahay gobollada waqooyi, oo ay ka mid yihiin dhismaha saldhigyo milateri iyo kormeerka marinada badda, inkasta oo tallaabo kasta oo noocaas ah ay si toos ah u jebinayso sharciga caalamiga ah kana dhalan karto falcelin goboleed iyo mid caalami ah.

Aamusnaanta Dowladda Imaaraadka Carabta,

ayaa dhalisay su’aalo badan, gaar ahaan marka la eego xiriirka dhow ee kala dhexeeya Israa’iil (Abraham Accords) iyo maalgashiyadii hore ee ay ku lahayd Somaliland, hase yeeshee Imaaraadku weli si rasmi ah ugama bixin mowqif taageeraya kala goynta Soomaaliya.

Marka la isku geeyo xaaladda,

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay fursad weyn u haysataa in ay ku guuleysato dagaalka diblumaasiyadeed, maadaama ay haysato sharciyadda caalamiga ah, taageero ballaaran iyo midnimo ku dhisan dastuur iyo xeerar caalami ah.

Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,

waxaa la gudboon in ay muujiyaan midnimo qaran, ka fogaadaan khilaaf gudaha ah, isla markaana si wadajir ah u difaacaan jiritaanka, sharafka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aqoonsiga Israa’iil ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya waa xadgudub sharci darro ah, qalad istiraatiiji ah, iyo fursad diblumaasiyadeed oo Soomaaliya u suurtagelin karta in ay dib u xoojiso kaalinteeda gobolka iyo caalamkaba.

Waxaa qoray: Feysal Musse

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *