Maxamed Bin Salmaan oo soo dhaweeyay Trump iyo wafdigiisa oo gaaray Riyaad.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga, socdaalkiisa ugu horreeyay ee rasmi ah oo dibadda uu ku tagayo, tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay.

Waxaana garoonka diyaaradaha  ku soo dhaweeyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudga Maxamed Bin Salmaan, iyadoo ka hor la arkayay diyaaradaha Sacuudiga ee F-15 oo galbinaya diyaaradda Air Force One.

Intaa kaddib labada hoggaamiye iyo wafdigooda ayaa u gudbay gudaha Terminalka Boqortooyada ee garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid oo ay wada-hadal kooban ku yeesheen inta uu socday waqtiga qaxwaha uu Sacuudiga caanka ku yahay.

Madaxweyne Trump waxaa socdaalkan ku weheliya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka,  Marco Rubio, Xoghayaha Ganacsiga Howard Lutnick, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo Xoghayaha Tamarta Chris Wright.

Trumo ayaa sidoo kale booqan doono Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu sameynayo “safar taariikhi ah oo uu ku tagayo Bariga Dhexe”, taasoo ah booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah tan iyo markii uu mar labaad noqday madaxweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *