Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in go’aanka lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Qatar uu ahaa go’aan gaar ah oo Israa’iil leedahay, isagoo carrabka ku adkeeyay “Mas’uuliyadda buuxda ee weerarka ayaan qaadeynaa.”
Netanyahu, oo shir jaraa’id wadajir ah kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio magaalada Qudus, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Maraykanku ay sii wadi doonaan iskaashiga si ay u ilaaliyaan labada dal.
Booqashada Rubio ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisad ka dhex aloosan tahay Maraykanka iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa Bariga Dhexe, kadib weerarka Israa’iil ku qaaday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Qatar iyo ballaarinta gumaysiga sharci darrada ah ee Daanta Galbeed ee la haysto.
“Booqashada Rubio waa farriin cad oo ah in Maraykanku garab taagan yahay Israa’iil marka uu wajahayo argagixisada,” ayuu yiri Netanyahu.
Wuxuu intaas ku daray: “Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waa saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil waligeed ku yeelato Aqalka Cad.”
