Madaxweynaha Golaha Sare ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa Khamiistii ka wada hadlay xaaladaha ka jirta Suudaan iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilooni iyo nabad dalkaas.
Kulankan ayaa ahaa wadahadal oo dhexmaray Burhan iyo Afwerki, waxaana lagu qabtay caasimadda Eritrea ee Asmara, halkaas oo Burhan uu ku soo gaaray Khamiistii si lama filaan ah, iyadoo aan la shaacin muddo uu ku joogayo booqashadiisa.
Suudaan ayaa waxaa ka jiray mudooyinkii ugu dambeeyay dagaalo sokeeye oo dalkaasi ka socda waxaana dhawaan kooxaha falaagada ee Suudaan gacantooda laga fara maroojiyay fariisimo waaweyn oo ay ku lahaayeen Khartoum oo ah caasimada wadanka Suudaan.
