Sweden oo hada ku baraarugtay in ay muhiim tahay maalgelinta difaaca.

Dowladda Sweden waxay si degdeg ah u dooneysaa in ay xoojiso difaaceeda, iyadoo raadinaysa caawimaad dibadda uga timaadda siyaabo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Iswiidhan, Ulf Kristersson, ayaa hogaaminaya qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn dhan ku dhowaad 30 bilyan oo yuuro si loo maalgeliyo kharashaadka difaaca dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hal arrin ayaa lacagtani si toos ah u xallin karin: Iswiidhan ma hayso askar si wanaagsan u tababaran oo ku filan, sababtoo ah muddo sanado ah ayay hoos u dhigtay awooddeeda milatari.

Hadda waxay si degdeg ah u dooneysaa in ay xaaladda beddesho. Sanadkan, 8,000 oo dhalinyaro ah ayaa la siinayaa tababar ciidan, taasoo ah laba laab tiradii la tababari jiray toddobo sano ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *