Dagaalka Hindiya iyo Pakistan waxa uu saameyn ku yeeshay duulimaadyada qaar ee Finnair.
Ciidanka Cirka Pakistan ayaa soo riday shan diyaaradood oo dagaal oo ay leedahay Ciidanka Cirka India, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Pakistan iyo warbaahinta maxalliga ah. Tani waxay timid kadib markii weerarro gantaallo ah oo India ku qaaday gudaha Pakistan ay ku dhinteen 8 qof, 35 kalena ay ku dhaawacmeen, halka laba qofna la la’yahay. Wasiirka…
Madaxweyne Trump oo Marco Rubio xilkiisa xil ugu daray.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa loo magacaabay lataliyaha cusub ee amniga qaranka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku shaaciyay baraha bulshada ee Truth Social fiidnimadii Khamiista (waqtiga Finland) in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio si ku-meel-gaar ah loo magacaabay lataliyaha cusub ee amniga qaranka. Trump ayaa sheegay in Rubio uu labada xil…
Kalsoonida dadka Finnish-ka ah ee Nato oo hoos u dhacday.
Kalsoonida ay shacabka Finnishka ku qabaan dammaanad qaadka amniga ee ay bixiso isbahaysiga NATO ayaa si muuqata hoos ugu dhacday intii lagu jiray xilligii labaad ee madaxweyne Donald Trump, sida lagu ogaaday cilmi-baaris cusub oo ay samaysay Guddiga Dhaqaalaha ee Finland (EVA). Kaliya saddex meelood meel (1/3) dadka la wareystay ayaa rumeysan in dammaanad qaadka…
Trump oo laga yaabo in uu ku dhawaaqo heshiis hub oo dhexmara Sacuudiga iyo Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo heshiis hub oo ka badan $100 bilyan inta lagu jiro booqashadiisa Sacuudiga bisha May 2025. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay hub casri ah oo ay bixiyaan shirkado Mareykan ah sida Lockheed Martin, RTX Corp, Boeing, Northrop Grumman, iyo General Atomics. Heshiiskan cusub…
Gobollada Mareykanka oo dacwad ka ah canshuuraha Donald Trump.
Isbaheysi ka kooban 12 gobol oo Mareykanka ah ayaa dacwad ka gudbiyay maamulka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, iyagoo ku andacoonaya in madaxweynuhu uusan sharciyan awood u lahayn inuu canshuuro saaro isagoo aan helin oggolaanshaha Kongareeska. “Qorshaha waalan ee canshuuraha ee madaxweyne Trump ma aha oo keliya mid halis dhaqaale leh waa sharci-darro,” ayey tiri…
Finland waxaa xirmay Ganacsigii ugu badnaa abid.
Ku dhowaad 44,000 shirkadood ayaa hawlahoodii joojiyay Finland sanadkii hore, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Tirakoobyada Finland (Statistics Finland). Tani waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaangeliyo tan iyo markii la bilaabay kaydinta xogta sanadka 1995. Tiradan cusub ayaa ka badan tii hore ee ugu badnayd xiritaanka ganacsiyada, taasoo ahayd ku…
Ruushka iyo Mareykan oo aragti isku dhaw ka qaatay xabad-joojinta Ukraine.
Mareykanka iyo Ruushka ayaa mid walba soo bandhigay soo jeedin ku saabsan in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Ukraine. Soo jeedimahaas ayaa la sheegay inay aad isugu eg yihiin. Sida uu sheegay wargeyska Financial Times, Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa u sheegay wakiilka gaarka ah ee dalka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Ukraine, Steve Witkoff, in…
Waaxda Kastamka Finland oo looga shakiyay jebinta xeer.
Waaxda Kastamka Finland (Tulli) ayaa looga shakisan yahay in uu jiro dambiga jebinta xeerarka cunaqabateynta, kaas oo lala xiriirinayo mashruuca dhismaha xarun tamarta nukliyeerka ah oo ka socda Finland. Tulli ayaa baaritaan ku wadday arrin la xiriirta isku day lagu doonayay in dukumeenti rasmi ah oo ka tirsan mashruuca dhismaha xarunta nukliyeerka laga dhoofiyo Finland…
Dad badan oo u dooda xuquuqda haweenka ayaa u dabaaldegay go’aanka ka soo baxay Ingiriiska.
Hay’adaha u dooda xuquuqda dadka traanjenderka ah ayaa dhanka kale, aad uga niyad jabsan go’aanka kasoo baxay maxkamada sare ee ingiriiska kaas oo lagu sheegay in kaliya ay xaqa haweenka leeyihiin, haweenka asal ahaan ku dhashay dumarnimo. Sida lagu sheegay go’aanka Maxkamadda Sare, Xeerka Sinnaanta ee Boqortooyada Midowday (UK) ee 2010 wuxuu si gaar ah…
Mareykanka ayaa wali wada ceyrinta saraakiisha laga shakisan yahay.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon-ka) ayaa Khamiistii shaqada ka joojisay laba sarkaal sare, iyadoo la baarayo arrimo la xiriira xog si aan la oggolaan loo bixiyay, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda. Faahfaahinta weyn Dan Caldwell, oo ah la-taliye sare oo u shaqeynayay Wasiirka Difaaca Pete Hegseth, ayaa laga saaray xarunta Pentagon-ka isagoo lagu eedeeyay…
