Diyaaradda Bayraktar KIZILELMA oo tijaabo muhiim ah dhammaystiray

Diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliye lahayn ee dagaalka ee Turkiga, Bayraktar KIZILELMA, oo ay horumarisay shirkadda Baykar, ayaa si guul leh u dhammaystirtay tijaabada AB-Launched Maneuver System Identification Test, taasoo ah tallaabo muhiim u ah jadwalkiisa imtixaannada.

Baykar ayaa sheegtay in barnaamijka tijaabada ee Bayraktar KIZILELMA uu si habsami leh ku socdo sida loogu talagalay.

Duullimaadka tijaabada oo ka dhacay Xarunta Tababarka iyo Tijaabada Duullimaadyada ee AKINCI, oo ku taal gobolka Tekirdag ee galbeedka Turkiga, ayaa lagu tijaabiyay nooca wax-soo-saarka diyaaradda, oo lagu magacaabo PT3, isla markaana leh sumadda TC-OZB3. diyaaraddan ayaa si sax ah u fulisay tijaabooyin adag oo lagu aqoonsanayo hababka ay u dhaqaaqdo (maneuver identification activities).

Shirkadda Baykar ayaa xustay in waaya-aragnimada laga helay noocyadii hore ee tijaabada ay horseedday horumarin ballaaran oo lagu sameeyay nooca wax-soo-saarka, gaar ahaan dhanka dhismaha iyo habka avionics-ka.

Diyaaradda waxa kale oo ay duullimaadkeedii tijaabada ku dhammeystirtay iyadoo adeegsanaysa matoor leh awood dheeraad ah oo afterburner ah, kaasoo si guul leh loogu dhex-daray nidaamka.

Diyaarad Xawaare sare leh oo Dagaal

Bayraktar KIZILELMA, oo lagu qalabeeyay matoor awood sare leh, ayaa la filayaa in ay gaarto heer xawaare aad u sarreeya (ku dhow supersonic) iyadoo ilaalinaysa awood ay ku sameyn karto leexleexyo sare xawaare sare ku socda.

Sidoo kale, radar-keeda AESA wuxuu siinayaa awood sare oo la socodka xaaladda hawada, taasoo u sahlaysa in ay fuliso howlgallo adag.

Guul Taariikhi ah oo Dhanka Duulista Ah

Baykar ayaa bilowday mashruuca Bayraktar KIZILELMA sanadkii 2021, iyadoo si buuxda u maalgelisay iyada oo aanay ka helin wax taageero ah oo dawladeed. Diyaaradda waxaa la dhammeystiray 14-kii Nofeembar 2022, ka dibna waxaa loo wareejiyay xarunta tijaabada AKINCI ee magaalada Corlu ee gobolka Tekirdag.

Diyaaraddu waxay dhammaystirtay tijaabooyinkeedii dhulka muddo gaaban gudaheed, iyadoo duullimaadkeedii ugu horreeyay samaysay 14-kii Diseembar 2022, taasoo la micno ah in hawada la geeyay muddo hal sano gudaheed ah oo laga shaqeynayay.

Baykar, oo dhammaan mashaariicdeeda ku maalgelisay ilaha gaarka loo leeyahay, waxay sii haysatay hoggaanka dhanka dhoofinta difaaca.

Tan iyo markii ay billowday cilmi-baarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sanadkii 2003, shirkaddu waxay 83% dakhligeeda ka heshay dhoofinta. Sanadkii 2023, waxay dhoofisay hub qiimihiisu dhan yahay $1.8 bilyan, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah 10-ka shirkadood ee ugu sarreeya dhoofinta Turkiga dhammaan warshadaha.

Iyadoo ah shirkadda ugu weyn caalamka ee dhoofisa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Baykar waxay sii wadatay guusheeda sanadka 2024, iyadoo 90% dakhligeeda ka heshay dhoofinta caalamiga ah.

Waxay heshiisyo dhoofin la saxiixatay 34 waddan oo iibsaday Bayraktar TB2, halka diyaaradda Bayraktar AKINCI ay la saxiixatay 11 waddan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *