Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu la xiriiray hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada heshiis cusub oo nukliyeer ah Iran ah arinkaan ayaa ah dadaal uu Mareykanku ku doonayo in uu ka fogaado tallaabo militari oo ka dhan ah ama uu ku qaado dalka Iran, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff.
Mareykan oo todobaadki hore waday hanjabaad ka dhan ah Iran iyo barnaamijkeeda Nugliyeerka ayaa u muuqdo mid badalay go’aankiisa ku aadan Iran kedib markii Iran ay isku diyaarisay dagaal iyo difaac hadii weerar lagu soo qaado.
