Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay u safrida Israa’iil

Safaaradda Mareykanka ee Israel ayaa Sabtidii ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka inay “dib uga fiirsadaan safarka” ay ku tagayaan Israel, Daanta Galbeed, iyo Gaza, iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Israel ee gobolka, sida ay werisay wakaaladda wararka Anadolu.

“Sababo la xiriira xaaladda amni ee is-bedbeddelaysa, oo ay ku jiraan dib u bilaabashada digniinaha gantaallada (red alerts) iyo mudaaharaadyada waaweyn, safaaradda Mareykanka waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka baahida loo qabo taxadar dheeraad ah iyo feejignaan amni oo aad u sareysa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay safaaradda.

Digniintaan ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili Israa’iil ay duqeyn ka wado marinka Gaza, Xuutiyiinta iyo Xamaasna ay weerar jawaab ah ka bixinayaan iyo sidoo kale xili gudaha Israa’iil ay kasocdaan banaanbax looga soo horjeedo xukuumadda taas oo shacabka ay ku dalbanayaan in dib loo soo celiyo wada-hadalada heshiiska Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *