Iiraan oo weerar iyo difaacba isku diyaarisay

Iiran ayaa u rartay nidaamyada gantaallada saddex jasiiradood oo ku yaalla marin biyoodka Hormuz, iyadoo ujeeddada lagu sheegay in loo diyaarinayo si dhaqso ah inay uga jawaabaan haddii ay Iran la kulanto nooc kasta oo weerar ah , markaa oo ay si dhaqso ah nidaamyadan gantaallo ugu weerarrayaan saldhigyada Mareykanka iyo hantida ka taalla bariga dhexe , sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu baahiyay taliyaha ciidanka badda Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Abbaas Araghchi ayaa maanta sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu jahweerar amni iyo siyaasadeed geliyey dunida, hasa yeeshee ay tallaabnooyinkaas ku hoos duugan yihiin fursad ay tahay in laga faa’ideyso.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkaan Iran udiray warqad hanjabaad ah taas oo si toos ah ugu soctay hogaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei ayadoo warqadaas loogu sheegay in Iran ay heysato muddo labo bilood ah si uu hogaamiyaheeda u go’aansado inuu qaadanayo heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran.

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku hanjabay hadii Ali Khamenei ay dhacdo inuu iska diiddo heshiiska, waxa uu sheegay in ay Iran ku qaadayaan duullaan, Trump-na inta uusan dirin warqada waxa uu warbixin ka siiyay dhowr wadan oo xulafada Mareykanka ah sida Israa’iil, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *