Diyaaraddii Dagaalka F-35 ee UK oo ka duushay Hindiya kaddib in ka badan bil ay ku xanibnayd halkaas.

Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ugu casrisan dunida, F-35B ee ciidamada cirka Britain (RAF), ayaa ugu dambeyn ka kacday garoonka caalamiga ah ee Thiruvananthapuram, gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, kaddib in ka badan bil ay halkaas ku xanibnayd sababo la xiriira cillado farsamo, taasoo dhalisay mala-awaal fara badan oo baraha bulshada lagu baahiyay.

Diyaaraddan oo qiimaheedu gaarayo ilaa €100 milyan ayaa la hakiyay bishii Juun sababo la xiriira cilado ku yimid nidaamka haydroliga iyo unugga awoodda kaydka ah ee APU. Ugu dambeyn, injineerro British ah ayaa gaaray Hindiya 6-dii Luulyo, waxayna dhameystireen dayactirka iyo tijaabooyinka badbaadada.

Warbixinno ayaa sheegaya in diyaaradda hadda u duushay dhanka markabka diyaaradaha sida ee UK ee HMS Prince of Wales, kaasoo ku sugan Darwin, Australia.

Diyaaraddan ayaa markii hore ka qeyb qaadanaysay duulimaad caadi ah oo ka dhacay badda Carab, balse ay heshay cimilada xun taasoo ka hor istaagtay inay dib ugu laabato markabka. Waxay sidaas darteed si degdeg ah ugu soo degtay garoonka Kerala bartamihii bishii Juun.

Afhayeen u hadlay Safaaradda UK ee Hindiya ayaa sheegay:

“Diyaaradda F-35B ee UK, oo si degdeg ah u soo degtay 14-kii Juun, waxay maanta ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Thiruvananthapuram. Injineerrada UK ee halkaas joogay tan iyo 6-dii Luulyo waxay dhameystireen dayactirka iyo hubinta badbaadada, taasoo diyaaradda u oggolaatay inay mar kale howlgasho.”

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray:

“UK waxay aad ugu mahadcelinaysaa taageerada iyo iskaashiga ay bixiyeen mas’uuliyiinta Hindiya iyo shaqaalaha garoonka muddadii lagu guda jiray hagaajinta iyo soo kabashada diyaaradda.”

“Ma rabo inaan ka tago!” — Baraha bulshada ayaa qarxay qosol iyo majaajillo

Intii ay diyaaraddu ku xanibnayd Kerala, baraha bulshada ee Hindiya gaar ahaan waxaa qabsaday majaajillo iyo sawirro mala-awaal ah oo lagu maadsanayay xaaladda. Mid kamid ah qoraallada ay baahisay Waaxda Dalxiiska ee Kerala ayaa muujisay diyaaradda oo taagan bartamaha geedaha qumbaha oo wata dib u eegis been abuur ah oo la yiri:

“Kerala waa meel layaab leh, ma rabo inaan ka tago. Si buuxda ayaan u kugula talinayaa.”

Agaasimaha Guud ee Waaxda Dalxiiska, K. Biju, ayaa sheegay in qoraalkaasi ahaa mid lagu muujinayay kaftan iyo mahadnaq, isagoo yiri:

“Waxay ahayd qaabkeena aan ku mahadcelinaynay dadka reer Britain oo ah booqdayaasha ugu badan ee dalxiis ahaan u yimaada Kerala.”

Mid kamid ah majaajillada baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaysay diyaaradda oo la socda dad deegaanka ah iyadoo cunaya cunto dhaqameed, halka mid kale ay muujinaysay diyaaradda oo loo beddelay “guri-boat” (boathouse) oo loogu talagalay dalxiis.

Markii hore waxaa jiray cabsi ah in diyaaradda laga yaabo in la kala furfuro oo qayb qayb diyaarad xamuul ah loogu raro haddii dayactirku guulaysan waayo. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga UK ayaa beenisay warkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *