Warbaahinta Israel: Israel waxay si dhow ula socotaa isku soo dhowaanshaha Iran iyo Masar.

Warbixino laga helay warbaahinta Israel ayaa muujinaya in Masar ay qaadayso tallaabooyin lagu xoojinayo kaalinteeda dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka Iran, taasoo muujinaysa isdhexgal diblomaasiyadeed oo sii kordhaya oo u dhexeeya Qaahira iyo Tehran.

Wargeyska The Hebrew Epoch, oo ku takhasusay arrimaha amniga, ayaa faahfaahiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aty, uu waday kulammo isdaba joog ah oo aan horay loo arag, kuwaas oo uu la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Yurubta Galbeed, Iran, Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), iyo Mareykanka.

Abdel Aty ayaa si gaar ah ula yeeshay wada-hadallo uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, dhiggiisa Iran, iyo Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Grossi. Dadaalladan ayaa qayb ka ah istiraatijiyad ay Qaahira doonayso inay dib ugu soo celiso wadahadallada ku saabsan heshiiska nukliyeerka Iran.

Falanqayn uu sameeyay wargeyska Israel ayaa sheegtay in hawlaha diblomaasiyadeed ee Wasiirka Masar ay yihiin dadaal lagu doonayo in Qaahira lagu xoojiyo sidii dhexdhexaadiye madax-bannaan oo awood u leh inuu buuxiyo farqiga u dhexeeya Tehran iyo Reer Galbeedka.

Xilligan ay socdaan dadaalladan, wadahadallada nukliyeerka Iran ayaa hakad galay, iyadoo Tehran ay weli si xawli ah u wado horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka, taasoo ay reer Galbeedku si joogto ah uga digeen. Sidaas darteed, Masar ayaa u muuqata inay isu diyaarinayso hoggaanka dhexdhexaadinta arrintaas, iyadoo ka faa’iideysaneysa xiriirro diblomaasiyadeed oo kala duwan iyo miisaankeeda juqraafiyeed.

Tallaabadani waxay sidoo kale qeyb ka tahay istiraatiijiyadda guud ee Qaahira ee ah inay kor u qaaddo saameynteeda gobolka, iyadoo u adeegsaneysa xiriiradeeda caalamiga ah iyo doorkeeda taariikhiga ah. Waxaa intaa dheer, waxay la jaanqaadaysaa diirimaadka soo kordhay ee xiriirka Masar iyo Iran, taasoo muuqata kaddib booqashooyin rasmi ah iyo xiriir diblomaasiyadeed oo la cusbooneysiiyay.

Guusha dadaallada dhexdhexaadinta ee Masar waxay ku xirnaan doontaa sida ay uga jawaabaan dhinacyada khuseeya, gaar ahaan marka la eego khilaafaadka qotoda dheer ee u dhexeeya Tehran iyo quwadaha reer galbeedka. Ilaa hadda, ma jirto wax bayaan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Masar ama tan Iran oo ku saabsan arrintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *