“Arrimo siyaasadeed ama farsamo mar dambe looma adeegsan karo marmarsiinyo la isaga indho-tiri karo gaajada dadka Falastiiniyiinta ah,” ayuu leeyahay Moncef Khane.
Carruur ku dhimatey gaajo iyo hooyo baroordiiqeysa
Alaa Al-Najjar, oo ah hooyo reer Falastiin ah, ayaa lagu arkay Isbitaalka Nasser ee magaalada Khan Younis iyadoo ku barooraneysa dhallaankeeda oo saddex bil jir ahaa, Yehia, kaasoo u geeriyooday gaajo iyo nafaqo-darro — sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta.
Khubaro QM ah oo baaq degdeg ah diray
9-kii Luulyo 2024, ugu yaraan 11 khabiir oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in macaluul ka jirto Gaza. Warbixintooda waxay ku caddeeyeen:
“Ololaha Israa’iil ee ku wajahan gaajeysiinta dadka Falastiiniyiinta ah wuxuu yahay nooc ka mid ah xasuuqa. Waxa uu sababay macaluul baahsan. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay si degdeg ah u gaarsiiso gargaar bani’aadamnimo, in la joojiyo go’doominta Israa’iil, lana helo xabbad joojin degdeg ah.”
Khubaradan waxaa ka mid ahaa:
- Michael Fakhri – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan xagga cunnada
- Pedro Arrojo-Agudo – Ergayga gaarka ah ee xagga biyaha iyo fayadhowrka
- Francesca Albanese – Ergayga arrimaha xuquuqda aadanaha ee dhulka Falastiin tan iyo 1967
Waxay sheegeen in dhimashada carruurta ee la xiriirta gaajo, in kastoo la tijaabiyay in la badbaadiyo, ay tahay caddeyn aan la iska indho tiri karin.
Waa maxay “macaluul” marka la eego Qaramada Midoobay?
Inkastoo erayga famine laga wada yaqaan inuu yahay gaajo halis ah oo keenta dhimasho baahsan, haddana ma jiro qeexitaan sharciyeed oo toos uga jira sharciga caalamiga ah. Si kastaba, Hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO waxay 2004 samaysay miisaan lagu magacaabo Integrated Food Security Phase Classification (IPC) oo shan heer ka kooban.
Heerka ugu sarreeya ee Level 5 waxaa lagu qeexaa “macaluul” iyadoo lagu saleynayo saddex qodob:
- In 20% ama ka badan qoysaska ay la kulmaan baahi cunto daran
- In 30% carruurta ka badan ay qabaan nafaqo-darro aad u daran
- In heerka dhimashada uu dhaafo 2 qof 10 qof maalintii
Inkastoo sharcigu uusan khasbin tallaabo degdeg ah marka la gaaro heerkan, haddana ku dhawaaqiddiisu waxay dhalisaa cadaadis siyaasadeed oo xooggan.
Haddaba, maxaa QM u diiday iney macaluul ku dhawaaqdo?
QM iyo la-hawlgalayaasheedu ma aysan helin xogtii lagama maarmaanka u ahayd qiimeynta rasmiga ah ee heerka macaluusha ee Gaza. Israa’iil ayaa hor istaagtay gelitaanka suxufiyiinta, la-hawlgalayaasha, iyo shaqaalaha gargaarka — taas oo adkaysay tirakoobka dhimashada, baahida, iyo nafaqo-darrada.
Laakiin… tan miyay tahay marmarsiiyo la aqbali karo?
Moncef Khane wuxuu leeyahay:
“Muuqaalada jirkooda lafdhabarta ah ee carruurta iyo dadka waaweyn waxay ka tarjumayaan xaalad naf-lacaari ah oo aan u baahnayn caddayn kale. Sida sawirradii laga qaaday xeryihii xasuuqii Naziga, Gaza waxay maanta la mid tahay middaas.”
Saameynta Mareykanka ee Go’aannada QM
Mareykanka wuxuu cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku saaray Qaramada Midoobay. Waxa uu si gaar ah u weeraray saraakiisha sare ee QM, sida Francesca Albanese iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, Karim Khan.
Bishan Luulyo 2025, Kongareeska Mareykanka wuxuu ansixiyay sharci xannibaya maalgelinta Maraykanka ee Qaramada Midoobay.
“Haddii Mareykanku horey u cunaqabatayn jiray QM, maxaa weli looga baqayaa in la sheego xaqiiqda ah in Gaza macaluul ka jirto?” ayuu isweydiinayaa Khane.
Xadgudubyo Sharciyeed iyo Dambiyada Dagaal
Qodobka 8-aad ee Xeerka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) wuxuu qeexayaa in gaajeysiinta dad rayid ah ay tahay dambi dagaal. Go’doominta buuxda ee Gaza tan iyo 2-dii Maarso 2024, taasoo sababatay gaajo baahsan oo si gaar ah u saameysay carruurta iyo hooyooyinka, waa in si toos ah loogu eedeeyo Israa’iil.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxay sheegtay in 19 qof ay gaajo ugu dhinteen hal maalin gudaheed—maalintii 20-ka Luulyo. Isla waqtigaas, Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) waxay sheegtay in ku dhowaad 90,000 caruur iyo haween ah ay u baahan yihiin daaweyn degdeg ah oo la xiriirta nafaqo-darro daran.
Ugu dambeyn
Michael Fakhri, Pedro Arrojo-Agudo, iyo Francesca Albanese waxay sanad ka horba ku dhawaaqeen in Gaza ay ku jirto xaalad bani’aadamnimo oo ba’an. Waxay haddana mar kale ku celinayaan:
“Waa waqtigii Qaramada Midoobay si rasmi ah ugu dhawaaqi lahayd in Gaza macaluul ka jirto.”
Qoramada waxaa qoray!
Moncef Khane
Sarkaal hore oo ka tirsan Qaramada Midoobay
Moncef Khane waa sarkaal hore oo u soo shaqeeyay Qaramada Midoobay muddo ka badan 30 sano, isagoo ka soo qabtay xilal muhiim ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha, arrimaha siyaasadda, nabad ilaalinta iyo hawlgallada siyaasadeed ee gaarka ah. Waxa kale oo uu ka shaqeeyay Golaha Guud iyo Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC), iyo sidoo kale Xafiiska Xoghayaha Guud ee Kofi Annan.
Fiiro gaar ah:
Qoraalkan wuxuu muujinayaa aragtida Moncef Khane, wuxuuna ku saleysan yahay xogta iyo waayo-aragnimadiisa. Ma metelayo si rasmi ah mowqifka tifaftirka Nordic Vision TV iyo Qaramada Midoobay.
Feysal Muuse
