Shiinaha oo cunaqabateyn saaray 20 shirkadood oo Maraykan ah iyo 10 mas’uul sare

Shiinaha ayaa cunaqabateyn ku soo rogay 20 shirkadood oo la xiriira difaaca Maraykanka iyo 10 mas’uul sare, toddobaad kaddib markii Washington ku dhawaaqday iibin hub oo ballaaran oo loo dirayo Taiwan. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, cunaqabateyntu waxay ka kooban tahay xayiraadda hantida shirkadahaas ku leeyihiin gudaha Shiinaha, iyo mamnuucidda in shakhsiyaad iyo hay’ado Shiinays ah ay la macaamilaan. Wasaaradda…

Read More

Thailand iyo Cambodia oo kala saxiixday heshiis xabbad-joojin cusub

Thailand iyo Cambodia ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis xabbad-joojin oo lagu soo afjarayo toddobaadyo dagaal hubeysan oo ka socday xuduudda labada dal, kaas oo ka dhashay muran dhuleed oo muddo dheer soo jiitamayay. Xabbad-joojinta, oo dhaqan gashay duhurkii waqtiga maxalliga ah, waxay faraysaa in aysan jirin dhaqdhaqaaq ciidan oo cusub oo ay sameeyaan labada dhinac, isla markaana la mamnuucayo in hawada…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Natenyahu iska ilaaw inaad kala goyso Soomaaliya”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad uu u jeediyey Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga falceliyey tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku billaabay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaan u sheegayaa in aad ku kacday khalad weyn oo sharci darro ah, ka dhan ahna midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,…

Read More

Soo raridda colaadda bariga dhexe ee geeska Africa ma hirgeli doonaa?

Tan iyo markii Israa’iil ay 26-kii December 2025 ku dhawaaqday aqoonsiga gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa si degdeg ah u billowday diidmo ballaaran oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kuna xadgudbeysa xeerarka caalamiga ah. Dowladda Federaalka…

Read More

Ukraine oo weerartay saldhig ciidammada badda Ruushka

Hay’adda Ammaanka Ukraine (SBU) ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee badda hoosteeda ku shaqeeya, oo loo yaqaan Sub Sea Baby, ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada badda ee Ruushka ee Novorossiysk, isla markaana ay curyaamiyeen gujis (submarine) nooca Project 636.3 Kilo-class, kaas oo siday gantaallada Kalibr. SBU ayaa sheegtay in Ukraine ay markii ugu horreysay taariikhda ku…

Read More

Wadahadallada Nabadda Ukraine oo dib uga billowday Berlin

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa maanta Berlin kula kulmay hoggaamiyeyaasha Yurub iyo ergayada Mareykanka, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Wadahadalladu waxay dib u billowdeen subaxnimadii hore, kadib shan saacadood oo wada‑xaajood ah oo Axaddii dhex maray Zelenskyy iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff, iyadoo uu ku wehliyay Jared Kushner, soddogga Madaxweyne Donald Trump. Zelenskyy…

Read More

Xukuumadda Bulgaria oo iscasilay kadib dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo musuqmaasuqa

Tobanaan kun oo qof ayaa Arbacadii isugu soo baxay guud ahaan Bulgaria iyagoo dalbanaya in Ra’iisul Wasaare Rosen Zhelyazkov uu iscasilao, iyadoo mudaaharaadayaashu ku eedeeyeen dowladdiisa in musuqmaasuq baahsan uu ka jiro. Dibadbaxyada ayaa yimid toddobaadyo kooban kahor inta aysan Bulgaria ku biirin eurozone-ka 1-da Janaayo. Ra’iisul Wasaare Rosen Zhelyazkov ayaa ku dhawaaqay iscasilaaddiisa maanta…

Read More